Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maxkamad la horkeenay

Cabdiraxman Cabdishakuur Lahaanshaha sawirka ABDIRAHMAN ABDISHAKUR WARSAME/ FACEBOOK
Image caption Cabdiraxman Cabdishakuur

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga Wadajir oo labo maalmood ka hor gurigiisa laga soo qabtay ayaa manta la horkeenay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa lagu eedeynayaa dambiyo ku saleysan duminta Dowladda iyo in uu malleegay dambiyo ka dhan ah qaranimada sida hadalka loo dhigay.

Xeer-ilaalinta Dowladda ayaa laga dalbaday inay keenaan cadeymo la xirira dambiyada loo haysto siyaasigan iyadoo maxkamadda dib loo dhigay ilaa berri.

Waxaa maxkamada joogay xilibaano taageersan Cabdiraxman Cabdishakuur iyo ehelka eedaysanahan.

Dhinaca kale waxaa socda dadaalo la doonayo in arrinkan lagu damiyo maadaama ay qaylo-dhaan weyn ka dhalatay xariga ninkan.

Arrimaha sidoo kale muranka la geliyey waxaa kamid ah sharciyada loo maray xariga siyaasigan iyo qaabka loo weeraray gurigiisa.

Qabashada Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa u dhacday in weerar lagu qaaday guriga uu Muqdisho ka degan yahay. waxaana weerarkaasi ku dhintay ilaa shan qof.

Xeer-ilaaliyaha Soomaaliya ayaa maalmo ka hor sheegay in ay jirraan shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay inay wadaan wax uu ku tilmaamay qaran-dumin.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa cadaadis siyaasadeed kala kulmay siyaasiyiin mucaaradsan qaab siyaasadeed xukuumadda.