Kuuriyada Waqooyi oo "weerar internetka ah ku qaaday" 150 dal

Dadkii weerarka qaaday ayaa kombiyuutarrada xirtay, waxayna dalbadeen 300 ilaa 600 oo doolar Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dadkii weerarka qaaday ayaa kombiyuutarrada xirtay, waxayna dalbadeen 300 ilaa 600 oo doolar

Maraykanka iyo Britain ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay masuul ka tahay weerarka dhanka internetka ah ee la dhoho WannaCry kaas oo sannadkan horraantiisii saameeyay Isbitaallo, ganacsiyo iyo bandgiyo caalamka oo dhan ku kala yaalla.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu saameeyay 300,000 kombiyuutar oo 150 dal kala yaalla, kaas oo dhaliyay khasaare balaayiin doolar ah.

Waa markii koobaad ee Maraykanka iyo Britain ay eedayntan si rasmi ah u soo jeediyaan.

Thomas Bossert oo kaaliye u ah madaxweyne Trump ayaana markii u horraysay eedayntan u sheegay wargayska Wall Street Journal.

Bossert oo madaxweyne Trump kala taliya arrimaha ammaanka gudaha ayaa sheegay in eedaymahan ay "salka ku hayaan caddaymo".

Laakiin wax caddaymo ah kuma uusan soo bandhigin wargayska, laakiin wuxuu sheegay in xogta ay heleen ay waafaqday kuwo kale oo ay heleen dalal kale iyo shirkado gaar loo leeyahay.

Wuxuu sheegay in Australia, Canada, iyo New Zealand ay Maraykanka la qabaan in weerarkan dhanka internetka ah ay ka dambayso Kuuriyada Waqooyi.

Waraysigaas ka dibna wasaaradda arrimaha dibadda ee UK ayaa Kuuriyada Waqooyi ku eedaysay in ay weerarka dhanka internetka ah u adeegsanayso si ay ugaga badbaaddo cunaqabataynada la saaray.

Waaxda qaran ee ammaanka internetka ee NCSC ayaa qiimayntii ay samaysay ku sheegtay in ay aad oogu badan tahay in kooxda burcadda internnetka ee Lazarus ee Kuuriyada Waqooyi ay gaysatay weerarkaas.

Bishii May combiyuutarrada Windows-ka isticmaala ayuu saameeyay weerar dhanka internetka ah macluumaadkii ku jirayna waa la xiray, dadkii adeegsan lahaana waxaa la waydiistay in ay lacago madaxfurasho ah bixiyaan si macluumaadkooda loogu soo celiyo, booliiska Yurub ee Europol ayaa baaxadda weerarka ku tilmaamay wax aan la filaynin.

Maxaa hadda loo eedaynayaa Kuuriyada Waqooyi?

Waaxda Qaran ee ammaanka intarnetka ee Britain ayaa markii u horraysay bishii May ee 2017 weerarka Wannacry la xiriirisay Kuuriyada Waqooyi, toddobaadyo ka dib markii uu weerarku dhacayba.

Jawaabtaas dadgaga ah waxaa sabab u ahaa baaritaan caalami ah oo UK hogaaminaysay ka dib markii uu weerarkaasi aad u saameeyay waaxda caafimaadka qaranka ee UK.

Sirdoonka Maraykanka ayaase wakhti dheer qaatay si ay baaritaankooda u soo gunaanadsaan, laakiin su'aasha wali taagan waxay tahay waa maxay sababta uu Maraykanku hadda u shaacinayo.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Bossert ayaa sheegay in ay la xisaabtami doonaan ciddii soo weerarta ama halis galisa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Wareysi ku saabsan Weerarka Xogta Kombuyuutarada

Dawladdaha ayaa aad uga taxadari jiray cidda ay ku eedaynayaan weerarrada dhanka internetka, laakiin si isa soo taraysa ayay caadi u soo noqonaysaa arrintaasi, waxayna ka billaabatay in Kuuriyada Waqooyi lagu eedeeyay weerarkii dhanka internetka ee lagu qaaday shirkadda Sony 2014kii, dhawaanna Ruushka ayaa lagu eedeeyay in uu u dhacay doorashadii Maraykanka ee 2016kii.

Sheegashadan u dambaysa ayayse u badan tahay in ay tahay isku day caddaadis loogu saarayo Kuuriyada Waqooyi iyo barnaamijkeeda nukliyeerka si la isugu dayo in beesha caalamka loo tuso in dalkaasi uu halis dhab ah yahay ama ha noqoto weerarrada internetka ama hubkeeda nukliyeerka.

Mowduucyada la xiriira