Maxaa sababa in shilalka wadooyinka Kenya ay kordhaan dhammaadka sanadka?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa sababa in shilalka wadooyinka Kenya ay kordhaan dhammaadka sanadka?

Dalka Kenya, sannadkan waxaa la sheegay in dad gaaraya 180 qof ay ku dhinteen shilalka wadooyinka, taasi oo marka loo eego sannadkii hore ka badan.

Shilalka ayaa waxaa ay inta badan dhacaan xiliyadan oo kale, dhamaadka sannadka, maadaama dad badan ay u safraan deeganadoodi si ay ugu dabaal degaan debaaldega ciida masiixiga.

Sii hayaha wasaarada ammniga ee dalka Kenya, Fred Matiangi ayaa sheegay in ay shatiyada kala laaban doonaan dhamaan dugsiyada lagu barto wadidad baaburta.

Haddaba waxaa sababa in dhamaadka sannadka uu bato shilalka wadooyinka ayaanu ka wareysanany Maxamed Cumar Cabdullahi oo katirsan waaxda badqabka gaadiidka Kenya, wuxuuna u warramay Bashir Maxamed Caato.