Askari kale oo Kuuriyada Waqooyi ka goostay

Xadkan labada Kuuriyo ayaa ka mid ah meelaha loogu ilaalinta badan yahay adduunka Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Xadkan labada Kuuriyo ayaa ka mid ah meelaha loogu ilaalinta badan yahay adduunka

Milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa riday rasaas digniin ah iyaga oo ugu baaqaya ilaalada Kuuriyada Waqooyi oo baaritaan ku hayay askari ka goostay subaxnimadii hore.

Askari ka tirsan ciidammada Waqooyiga Kuuriya ayaa soo maray aaga milatariga ka caagan 08:00 saacadda dalkaas.

Wuxuuna ka soo muuqday bar-kontarool iydoo ay ceeryaamo jirto, sida ay ciidammada Kuuriyada Koonfureed ku warrameen.

Waa askarigii afraad ee Kuuriyada Waqooyi ka soo baxsada sannadkan, dhacdadan ayaana imaanaysa toddobaadyo ka dib markii ay dhacday soo baxsashadii ugu layaabka badnayd wakhtiyadan dambe.

Dhacdadaas13kii Nofembar dhacday ayaana lagu toogtay askari ku baxsanaya qaybta koonfureed ee askarta labada dal ay isku hor fadhiyaan oo ku dhaw tuulada Panmunjom.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Muqaalka cajiibka ah ee askariga baxsanaya Kuuriyada Waqooyi

Khamiistiina wasaaradda difaacada ee Kuuriyada Koonfureed waxay sheegtay in ay ciidammadeedu rideen labaatan xabbadood oodigniin ah ka dib markii askarta Waqooyigu ay soo wajaheen xadka Koonfurta iyaga oo u muuqda in ay raadinayeen askari Kuuriyada Waqooyi u dhashay, kaas oo saacado ka hor baxsaday.

Wakaaladda wararka ee Yonhao ayaa ku warrantay in afartan daqiiqo ka dib la maqlay ciidammada Waqooyiga oo rasaas ridaya, inkastoo aan la arkin xabbado xadka ka soo tallaabay.

Goosashada askariga ayaana ka dhacday xadka gobolka Gangwon sida ay ku warrantay warbaahinta qaranka ee Kuuriyada Waqooyi ee magaceeda loo soo gaabiyo KBS.

Askariga baxsaday ayaa la xiray, dalka Kuuriyada Koonfureedna wuxuu sheegay in uu baarayo waxa ku qaaday in uu xadkiisa ka soo tallaabo.

Askar tiro yar oo Waqooyi Kuuriya u dhashay ayaa naftooda halis galiya si ay ugu tallaabaan xadka koonfurta.

Xadka labada dal ayaana ah mid ka mid ah kuwa loogu ilaalinta badan yahay adduunka oo dhan, waxaana ku teetsan kaameerooyin, siligyo koronto leh, iyo miinooyin dhulka la galiyay.

Mowduucyada la xiriira