Ramaphosa oo ballan qaaday inuu la dagaalami doono musuqmaasuqa Koonfur Afrika.

Hogaamiyaha xisbiga ANC Cyril Ramaphosa. Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Hogaamiyaha xisbiga ANC Cyril Ramaphosa.

Hogaamiyaha cusub ee xisbiga tallada haya ee dalka Koonfur Afrika ee ANC Cyril Ramaphosa oo dhamaan la doortay ayaa ballan qaaday in uu la dagaalami dono musuqmaasuqa, sidoo kalena uu horumarin doono dhaqaalaha.

Mar uu soo xirayay shirkii xisbiga ayaa waxaa kale oo uu sheegay uu diiradda saari doono shaqo abuurida, la dagaalanka saboolnimadana uu siin dooona ahmiyadda koowaad.

Mr Ramaphosa ayaa loo doortay inuu badello hogaamiyaha xisbigaasi Jacob Zuma.

Waxaa la saadalinayaa in uu ku guuleysan doono doorashada xilka madaxtinimda dalkaasi ka dhici doonta sanadda 2019-ka.

Xibiga ANC ayaa wajahaya culeys aad u weyn, kaddib markii xubno katirsan xisbiga lagu eedeeyay musuqmaasuq.