Warar kasoo kordhigay askarigii Soomaaliga ah ee gabadha ku dilay Maraykanka

Qoyska gabadha la dilay Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qoyska gabadha la dilay

Qoyska dhalay haweenay dalka Australia u dhalatay oo ku baxday gacanta askari Maraykan ah oo asalkiisu Soomaali yahay ayaa sheegay in ay aad uga walaacsanyahay in aanan baaritaan fiican lagu samaynin dilka gabadhooda.

Justine Damond oo 40 jir ah ayaa waxaa dilay askari ka tirsan booliiska Maraykanka oo lagu magacaabo Maxamed Nuur bishii July, kadib markii ay iyadu u wacday booliiska, kana cabatay haweenay ay sheegtay in ay daarada gurigeeda ka qeylinaysay.

Todobaadkii hore dacwad ooge dalka Maraykanka ah ayaa sheegay in baarayaasha aysan si wanaagsan shaqadoodii u qabsanin.

Mike Freeman ayaa sheegay in uusan haynin caddaymo ku filan oo uu dacwad ugu soo oogo Maxamed Nuur.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Xaaladda dhalinyaradda Soomaaliya ah ee ku xiran xabsiyadda Maraykanka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Codbixinta dhici doonta Talaadada waxaa lagu wadaa inay codkooda ka dhiibtaan dad waayeel

John Ruszczyk oo gabadha dhimatay aabaheed ah ayaa sheegay in ay aad uga walaacsanyihiin suurtagalnimada in dambiga aanan si wanaagsan loo baarin. Waxa uu ku baaqay in baaritaanka lasii wado.

Maxamed Nuur ayaanan wali wax waraysi ah siinin baarayaasha dilka dhacay.

Ra'isulwasaaraha Australia Malcolm Turnbull ayaa ka hadlay dilka, kuna dilmaamay wax lala fajaco,

Dilkan dartiis waxaa isu casilay madixii booliiska Minneapolis Janee Harteau.

Mowduucyada la xiriira