Arday Soomaali ah oo natiijo wanaagsan ka helay imtixaanka dugsiga sare ee Kenya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Arday Soomaali ah oo natiijo fiican ka helay imtixaanka dugsiga sare ee Kenya

Natiijooyinkii imtixaanka dugsiyada sare ee Kenya oo la shaaciyey maalintii Arbacadii ayaa waxaa muuqanaysa in arday badan oo Soomaali ah ay horumar fiican ka gaareen dhinaca natiijooyinka, taas oo maqsuud ka dhigtay waalidiinta qaarkood.

Cabdirisaaq Mukhtaar Axmed oo 18 jir ah waa uu ku faraxsan yahay oo darajo sare ka gaaray tacliinta uu ka helay iskuulka caanka ah ee Abuu Hureyra ee magaalada Mombasa.

Haddaba siduu Cabdirisaaq ugu diyaargaroobay imtixaankaas? Su'aalahaas iyo kuwa kale ayuu Bashkas Jugsoodhacay waydiiyay Cabdirisaaq Mukhtaar oo ku sugan Mombasa..