Kooxaha kubadda cagta Puntland iyo Jubaland oo ku hardami doono galabta Muqdisho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Puntland iyo Jubaland keebaa koobka la hoyan doona?

Waxaa maanta gelinka dambe lagu soo gabagabaynayaa magaalada Muqdisho tartanka kubadda cagta ee gobollada ee Soomaaliya.

Tartankan ayaa waxaa isugu soo haray kooxaha kubadda cagta ee Puntland oo koobkan loo tartamaya haysata iyo kooxda Jubaland oo tartankii hore laga qaaday.

Puntland waxa ay rajaynaysaa inay difaacato koobka halka Jubaland ay ku taamayso inay dhulka dhigto Puntland kana aarsato guuldarradii hore.

Haddaba waxaan khadka Telefonka ee magaalada Muqdisho kula xiriirnay kabtannada labada kooxood ee Puntland Akram iyo midka Jubaland Yoonis waxayna u warrameen weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare, waxaa hadalka ku hormaraya Akram oo ah kabtanka Puntland.

Mowduucyada la xiriira