Baaritaan ku aadan xasuuqii Rwanda oo la soo gabogabeeyay

Lafaha dadkii lagu xasuuqay dalka Rwanda Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Lafaha dadkii lagu xasuuqay dalka Rwanda

Garsoorayaal Fransiis ah ayaa soo gabagabeeyay baaritan ay ku sameenayeen weerar gantaal oo huriyay xasuuqi ka dhacay dalka Rwanda sanadii1994-tii.

Xafiiska dacwad oogaha ayaa hadda go'aan ka gaari doona in kiiskani maxkamadda loo gudbin doono iyo inkale.

Garsoirayaasha ayaa ku eedeeyay maleeshiyaad uu xiligaasi hogaaminayay Madaxweynaha imika tallada haya ee dalka Rwanda,Paul Kagame inay soo rideen diyaarad uu sarnaa Madaxweynihii hore ee dalkaasi Mr Juvenal.

Dowladda Rwanda ayaa ku eedeesay dalka Fransiiska inay wax ka ogeyd xasuuqi ka dhacay dalkaasi.

Baaritaanka ayaa dhaliyay xiisad horleh oo u dhaxeysa labada dal, waxaana sannadkii 2006-dii dowladda Rwanda ay xiriirka u jartay Farnsiiska balse saddex sanno kadib, dib usoo celisay xiriirkii kala dhaxeeyay.

Mowduucyada la xiriira