Gabadh nolosha lagu gubay markii ay nin murmeen

Khariidad

Booliiska magaalada Hyderabad ee ku taalla koonfurta dalka Hindiya ayaa sheegay in ay xireen nin, ka dib markii ay dhimatay gabadh uu dab u qabadsiiyay muran muran dhexmaray.

Sandhya Rani oo 25 jir ah ayaa u sii socotay gurigeeda marka la weeraray Khamiistii, sida ay booliisku u sheegeen BBC-da.

Dadka ayaa si degdeg ah ugu gurmaday balse Rani waxay geeriyootay iyada oo wali isbitaalka loo sii wado.

Karthik Vanga oo 28 jir ah oo ay horay u soo wada shaqeeyeen ayaa lagu eedeeyay falkaas.

Isku shirkad ayay ka shaqayn jireen Rani wixii billo ka horreeyay, sida ay booliisku u sheegeen Deepthi Bathini oo ah weriye ka tirsan laanta afka Telugu ee BBC-da.

Khamiistii ayaa la arkay iyaga oo murya ka dibna caagad gaas ah ayuu la soo baxay ka dibna dab ayuu qabadsiiyay, sida ay booliisku ku eedeeyeen.

Vanga ayaa la sheegay in uu muddo labo sano ah guur u soo bandhigayay Rani, balse ay si joogto ah u diidi jirtay, laakiin booliisku ma oga wax cabasho ah oo ay ninkaas ka soo gudbisay wakhtigaas.

La socoshada tacadiyada ka dhanka ah dumarka Hindiya ayaa sare u kacday tan iyo 2012kii ka dib markii ay burcad kufsadeen ka dibna dileen gabadh ardayad ah oo bas saarnayd, waxayna taasi horseeday in la sameeyo shuruuc adag oo looga golleeyahay wax ka qabashada arrintaas.

Si kastaba ha ahaatee weerarrada arxandarrada ah ee ka dhanka ah carruurta iyo dumarka ayaa wali lagu warramaa in ay ka sii socdaal dalka Hindiya.

Dawladdunu waxay sheegta in ay sannad kaste Hindiya ka dhacaan boqollaal weerar oo aysiidh loo adeegsado oo dumar lagu bartilmaameedsado - dadka wax ka qabashada hawlahan u ol'oleeyana waxay inta badan sheegaan in inata badan dumarka loo dhibaateeyo masayr ama damac xad dhaaf ah.

Mowduucyada la xiriira