Australia oo soo afjartay duqeyntii cirka ee Ciraaq iyo Suuriya

Diyaarad Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Diyaardad

Dowladda Australia ayaa waxa ay sheegtay in ay joojinayso duqeymaha xagga cirka ah ee ay ku hayso kooxda Daacish eek u sugan Ciraaq iyo Suuriya.

Illaa lix diyaaradood oo kuwa duqeynta ah ayay Australia dib ugu yeeratay, inkasta oo diyaaradaha kormeerka ay kusii sugnaan doonaan aagaas.

Muddo labo sano ah ayay ciidammada cirka ee Australia ka qeybqaadanayeen duqeymaha lagu hayo Daacish, iyaga oo qeyb ka ahaa isbahaysiga caalamiga ah ee ka dhanka ah kooxdan.

Wasiirka difaaca Australia Marise Payne ayaa sheegay in go'aankooda ay ku saleeyeen maadaamaa dhawaan ay Ciraaq ku dhawaaqday in ay guulo ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Ciraaq.

Waxa ay sheegtay wasiiradda in talaabadan la qaaday kadib wadatashiyo lala yeeshay dalalka adduunka iyo dowladda Ciraaq.

Ra'isulwasaaraha Ciraaq Haydar Al Cabadi ayaa labo todobaad ka hor sheegay in ciidammada Ciraaq ay gabi ahaanba la wareegeen xudduuda Ciraaq iyo Suuriya ka dhaxeeya.

Mowduucyada la xiriira