Soomaali loo musaafurinayay Soomaaliya oo la sheegay in tacadiyo loo geystay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali laga musaafurinayay Mareykanka oo la sheegay in tacadiyo loo geystay

Xilibaan katirsan aqalka Congreska ee dalka Mareykanka ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo sagaashan qof oo Soomaali ah oo la sheegay in si aan wanagsaneyn loola dhaqmay xili loo tarxiilayay Soomaaliya.

Keith Ellison ayaa sidoo kale sheegay in dadkaasi iyaga oo jeebeysan loo diiday daawo, musqul iyo raashin ay cunaan muddo 48-saacadood.

Diyaaradii la saaray dadkan ayaa la sheegay in aysan tegin Soomaaliya oo ay kasoo laabatay wadanka Senegal, dibna ay ugu laabatay magaalada Miami ee dalka Mareykanka.

Eedeymahasi waxaa beeniyay laanta socdaalka ee dalka Mareykanka,balse wariyaha BBC-da ee Mareykanka Maxamed Xaaji Xuseen Shiine ayaa la hadlay Fardowsa Maxamuud Xaaji Cumar oo ah hooyo dhashay mid kamid ah wiilasha laceliniayay ee 92 ka kooban, iyo Maxamuud oo ka mid ah dadka u ololeynaya arrimaha dhalinyaradaan.