Nin gubay gabar uu jeclaa

Hyderabad waa halka gabadha lagu gubay
Image caption Hyderabad waa halka gabadha lagu gubay

Booliska magaalada ku taalla koofurta India ee Hyderabad ayaa sheegay inay xireen nin, ka dib markii haweeney la gubay oo ay dhimatay dood ka dib.

Sandhya Rani oo ahayd 25 jir ka shaqaynaysay qaybta soo dhoweynta ee shirkad magaaladaas ku taalla ayaa gurigeeda ku sii jeeday markii la weeraray abaarihii makhribnimadii Khamiista sida ay booliska sheegeen.

Dad ayaa gabadhaas isbitaalka ula cararay, hase yeeshee intii la sii waday ayey dhimatay.

Ninka la eedeeyey, Karthik Vanga, waa 28 jir ay gabadha hore u wada shaqayn jireen.

Isku shirkad ayey labadoodaba u shaqaynayeen ilaa iyo dhowr bilood ka hor, sida ay boolisku u sheegeen qaybta afka Telugu ee BBC.

Khamiistii markii uu la kulmay ayaa la arkay labadooda oo murmaya ka hor intii uusan ninkaasi la soo bixin daasad uu gaas ku jiray, isagoo ka dibna inta ku shubay dab qabadsiiyey sida ay boolisku sheegeen.

Waxaa jiray warar sheegaya in Vanga uu Rani laba sanadoodba daba socday oo uu doonayey inuu guursado, ayaduna ay diideysay.

Tacaddiyada ka dhanka ah haweenka ayaa India ku soo badanayey tan iyo 2012, waxayna keeneen in xukuumaddu soo saarto shuruuc adag oo lagu dhaqo dambiyadaas.