Xasarad wali ka taagan Catalonia ka dib doorashadii halkaasi ka dhacday

Qolyaha gooni u goosadka Spain oo ku guuleystay doorashadii Catalonia Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Qolyaha gooni u goosadka Spain oo ku guuleystay doorashadii Catalonia

Ma jirto sansaan muujineysa in doorashadii ka dhacday gobolka Catalonia ay yareneyso is mari waaga u dhaxeeya dowladda Spain iyo qolyaha gooni u goosadka.

Raysal wasaaraha Spain, Mariano Rahoy waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo cidda maamuli doonta gobolkaasi, waa haddii buu yiri aysan khatar galineyn midnimada qaranka.

Hogaamiyaha gooni u goosadka Mr Carles oo si iskii ah musaafuris ahaan u jooga Belgium ayaa ugu baaqay raysal wasaare Rahoy inuu kula kulmo meel ka baxsan Spain.

Weriyha BBC da ee halkaa jooga waxaa uu soo sheegayaa in marka loo eego xasaradaha ka taagan halkaasi ay xaaladu u muuqato mid sii jiitami doonta.

Mowduucyada la xiriira