Hantidhawraha Somalaliland oo ku dhawaaqay inay baarayaan shirkaddo gaar loo leeyahay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hantidhawraha Somalaliland oo ku dhawaaqay inuu socdo baaritaan

Hantidhawraha guud ee Somaliland Saciid Saleemaan Mire, ayaa ku dhawaaqay in dib u eegis iyo baadhis ay ku sameynayaan 16 sharikadood oo waddani ah oo heshiisyo gaar ah la galay wasaaradaha iyo hay'adaha xukuumada oo qaarkood ay qabtaan dakhliga dawladda. shirkadahaasi oo ay ka mid yihiin kuwa haamaha kaydka shidaalka ee berbera .

Hantidhawraha guud oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa waxa uu sheegay in tallAabadani ka mid tahay ballanqaadyadii madaxweynaha dhowaan la doortay ee la dagaallanka musuqmaasuqa, sinaanta, iyo sarreynta sharciga.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa hawlgalkan cusub ka wareystay hantidhawraha guud ee somaliland Saciid saleemaan Mire