Dalka Guatemala oo safaaradiisa u raraya Qudus

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Qorshaha Trump ee Qudus ma guuleysan doonaa?

Madaxweynaha dalka Guatemala Jimmy Morales ayaa amray in safaaradda dalkiisa ee ku taalla Tel Aviv loo raro magaalada Qudus.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebooka, ayuu Jimmy Morales ku sheegay in uu go'aanka qaatay kaddib markii uu la hadlay ra'iisalwasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, Guatemala waxay ka mid ahayd 9kii dal ee diiday qaraarkii Qaramadda Midoobay ee ugu baaqayay Maraykanka inuu ka laabto go'aankii Qudus uu ugu aqoonsaday caasimadda Israa'iil.

MadaxweyneTrump ayaa ku goodiyay inuu gargaarka ka jarayo dalalka kasoo horjeedsada go'aanka Mareykanka.

Mareykanka ayaa deeq-biye muhiim ah u ah Guatemala, maadaama uu dalkaasi yahay dal sabool ah oo ku yaalla qaarada Ameerika.

Magaalada Qudus waxay muhiimad wayn u leedahay labada dhinac ee Falastiin iyo Israa'iil.

Waxaa ku yaalla goobo barakeysan oo ay aaminsan yihiin saddexda diimood ee dunida ugu waawayn oo kala ah Islaamka, Yuhuudda iyo Masiixiyadda.

Image caption Maxaa loogu muran san yahay Qudus

Bariga Qudus oo magaalada Qadiimiga ah ay qeyb ka tahay waxay Israa'iil qabsatay ka dib dagaal lix maalmood qaatay oo dhacay 1967, Laakiin hadda ka hor looma aqoonsan in ay qeyb ka tahay dhulka Israa'iil.

In Qudus ay leedahay Israa'iil weli beesha caalamka maysan aqoonsan, dhammaan dalalkana waxay safaaradohooda ka dhisteen Tel Aviv.

Sikastaba ha ahaatee madaxweyne Trump ayaa u sheegay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka inay bilowdo ka shaqeynta in safaaradda Mareykanka loo raro Qudus.

Mowduucyada la xiriira