Ciyaaro caalami ah oo lagu "qaban doono" Soomaaliya

Cabdiqani Siciid Carab Lahaanshaha sawirka Xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya
Image caption Cabdiqani Siciid Carab

Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta ee Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab ayaa sheegay in la joogo xilligii Soomaaliya ay martigalin lahayd ciyaaraha caalamiga ah.

Cabdiqani waxa uu sheegay in sanadka 2018-ka la qorsheynayo in gudaha Soomaaliya lagu qabto ciyaarihii ugu horeeyay oo heer caalami ah muddo badan kadib.

Markii ugu dambeysay oo ay Soomaaliya martigalisay ciyaar caalami ah waxa ay ahayd sanadkii 1988-dii, xiligaas oo wixii ka dambeeyay uu qalqal galay amniga dalka.

Waxay ahayd ciyaar ka mid ah Koobkii Qaramada Afrika, waxayna dhexmartay Uganda iyo Soomaaliya.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Tartanka kubadda koleyga gabdhaha oo Garowe ka furmaya

"Xaaladda dalka waa ay soo hagaagaysaa, waxaanan gaaraynaa nabad iyo xasilooni" ayuu yiri Cabdiqani.

"Dadka Soomaalida waxa ay xaq u leeyihiin in ay daawdaan xulkooda qaranka oo ku dheelaya gurigooda" ayuu intaas ku daray.

Qorshuhu waxa uu yahay in dalka lagu casuumo kooxo qaramada Afrika qaarkood si loo qabto ciyaaro saaxiibtinimo. Waxaa kale oo xigi doonaa in ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee Cecafa lagu qabto Soomaaliya.

Mowduucyada la xiriira