Goobaha codbixinta Liberia oo la xiray

Inkastoo la soo sheegay in ay aad u yareyd tirada dadka u soo baxay codbixinta wareegga labaad haddana goobtan ku taal magaalada Monrovia dadku saf ayey ku jireen Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Inkastoo la soo sheegay in ay aad u yareyd tirada dadka u soo baxay codbixinta wareegga labaad haddana goobtan ku taal magaalada Monrovia dadku saf ayey ku jireen

Goobaha codbixinta ee waddanka Liberia ayaa la xiray, kaddib markii dadka waddankaasi ay codkooda ka dhiibteen wareegga labaad ee doorashada lagu dooranayo madaxweynaha cusub.

Xiddigii hore ee kubadda cagta, George Weah, ayaa waxa uu la tartamayaa madaxweyne ku xigeenka haatan, Joseph Boakai.

Labada musharaxba waxa ay sheegeen in ay ku kalsoon yihiin inay doorashadan ku guulaysan doonaan.

Weriye BBC-da uga soo warramaya magaalada Monrovia ayaa sheegaya in dadka u soo baxay doorashada wareegga labaad ay aad uga yar yihiin kuwii u soo baxay wareegii hore taas oo la qabtay bishii Oktoobar.

Waxaa la la filayaa in doorashadan ay dalkaasi u horseedi doonto in markii ugu horreysay muddo 73 sanno ah si nabad ah awoodda la isugu kala wareejiyo.

Wajiga ugu dambeeya ee codbixinta ayaa dib u dhacay todobaado ka dib cabasho ku wajahnayd wax isdaba marin liisaska codbixinta, laakiin maamulayaasha ayaa hadda waxay sheegayaan in dhibaatadii la xaliyey.

Qofka guulaysta ayaa waxaa la filayaa inuu badeli doono madaxweynihii ugu horreeyay ee haween ah ee loo doorto inay hogaamiso dal Afrikaan ah, waa Ellen Johnson-Sirleaf.