Xaaska Trump oo dalbatay in la jaro geed 200 oo sano yaallay Aqalka Cad

Geedkan ayaa Aqalka cad ka beernaa ku dhawaad labo qarni Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Geedkan ayaa Aqalka cad ka beernaa ku dhawaad labo qarni

Geed taariikh leh oo Aqalka Cad ku yaalay ku dhawaad 200 oo sano ayaa lagu wadaa in la jaro.

Geedkan waxaa beeray madaxweyne Andrew Jackson oo ku xusayay xaaskiisa oo geeriyootay.

Xaflado badan oo taariikhi ah ayaa hortiisa lagu qabtay, sidoo kalana wuxuu ku sawirnaan jiray 20ka doolar ee Maraykanka intii u dhaxaysay 1928 and 1988.

Laakiin khuburadu waxay sheegayaan in geedku uu nuglaaday uuna halis yahay oo dhibaato keeni karo. Marwada madaxweynaha Maraykanka Melania Trump ayaana ku baaqday in qayb wayn oo ka mid ah la jaro.

Afhayeenka Aqalka Cad Stephanie Grisham ayaa sheegay in Melania ay dalbatay in midhaha geedka la hayo si haddii ay macquul noqoto geed kale looga tallaalo isla gooobtaas.

Waxay Melania intaas ku dartay in ay go'aankaas u qaadatay in geedku uu halis u keensan karo "dadka soo booqda Aqalka Cad iyo waaxda warfaafinta oo badanaa shirarar jaraa'id ku qabta hortiisa" markaas oo diyaaradda qumaatiga u kacda ee madaxweynuhuna ay aagaas ka duusho.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Diyaaradda qumaatiga u kacda ee madaxweynaha ayaa badanaa ka kacda meel u dhaw geedka

Mowduucyada la xiriira