Shiico badan oo lagu laayay Afghanistan

Gaari Lahaanshaha sawirka AFP

Ugu yaraan 40 ruux ayaa ku dhimatay 30 kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray weerar is qarxin ah oo lagu bartilmaameedsaday xarun dhaqanka iyo diinta qaabilsan oo ay Shiico leedahay oo ku taalla caasimadda Afghanistan ee Kabul.

Wasaaradda amniga gudaha ayaa BBC-da u sheegtay in qaraxaas ay ka dambeeyeen labo qarax oo kale.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas.

Bilihii dhawaa kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa weerarro ku qaadi jiray Shiicada dalka Aghanistan ku nool.

Ururka Taliban ayaa soo saaray war qoraal ah oo ay ku sheegayaan in aysan ku lug lahayn weerarkan.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qarax kale oo Isniintii ka dhacay Kabul ayay ku dhinteen 10 ruux

Sawirro baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya maydad daadsan goobta uu qaraxu ka dhacay.

Nasrat Rahimi oo ah ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in bartilmaameedku uu ahaa xarunta dhaqanka ee Tabaya. Halkaas oo ay ka socotay xalfad lagu xusayay 38 guuradii ka soo wareegtay markii Midawgii Soofiyeet uu qabsaday Afghanistan.

Mowduucyada la xiriira