Soomaaliya oo si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada

Madaxweyne Farmaajo ayaa tijaabiyay qalabka casriga ah ee lagu maamuli doono hawada Soomaaliya Lahaanshaha sawirka Radio Mogadishu
Image caption Madaxweyne Farmaajo ayaa tijaabiyay qalabka casriga ah ee lagu maamuli doono hawada Soomaaliya

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada dalka oo tan iy burburkii ay gacanta ku hayeen hay'ado ajaaniib ah.

Munaasabad lagu qabtay Muqdisho ayuu madaxweyne Farmaajo ka sheegay in sharaf wayn u tahay Soomaaliya in ay dib ula wareegto maamulka iyo gacan ku haynta hawada.

"Arrintaasi waxay ku timid shaqo iyo juhdi badan oo la geliyay. Halkan waxaan ku haystaan qalab ka casrisan midkii hawadeena lagu maamulayay ee yaalla Nairobi."

"Markii aan fiiriyay, waxaa iicaddaatay in aan u diyaarsannahay oo keliya ma ahan aqoon ahaan ee xitaa qalab ahaan oo ka casrisannahay dalal badan oo Afrikaan ah", ayuu yiri madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Balse Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland oo dood ka qabta tallaabada dowladda federaalka ayaa sheegtay "in aysan ogolaaneyn in hawdooda meel kale laga maamulo.

Maareeyaha hay'adda duulista iyo madaarrada Somaliland, Cabdi Maxamed Rodol oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay: "Waxaa nasiib darro ah, Soomaaliya ayadoon wada tashi iyo heshiis galin, in ay keligood ku dhawaaqeen in ay hawadii oo dhan la wareegeen. Taasina waa in marnaba aysan Somaliland ka raali noqoneyn in hawadeeda meel kale laga maamulo".

Dowladda Soomaaliya oo in muddo ah ku howlaneyd sidii ay ula soo wareegi laheyd maamulka hawada ayaa sheegtay in ay dib u dhis ku sameysay qalabkii lagu hagi lahaa hawadda dalka oo in muddo ah ka maqnaa gacanta dowladda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri: "Tani waa bilowga xoojinta qarannimadeena, waxaa noogu xigi doona oo aan gacanteena ku jirin maamulka baddeena, oo aysan jiri doonin cid ku soo xadgudbi karta oo khayraadkeenna maalin iyo habeen gurata. Ma jiri doonto cid istiraahda meesha lama joogo oo qashin ku shubi doonta".

Lahaanshaha sawirka Radio Muqdisho
Image caption Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray xarunta cusub ee la dhigay qalabka maamulka hawada Soomaaliya

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in ay soo celin doonaan maamulka xudduudaha Soomaaliya oo uu qiray in aysan hadda gacantooda ku jirin.

"Midnimada Soomaaliyeed waa arrin aan kulligeen ka hadalno, waana in aan xoojinaa - Iyadaa lagu gaari karaa horumar, iyadaa lagu wada shaqeyn karaa. Midnimadaas waxay ku imaaneysaa dib u heshiisiin oo aan si dhaqso ah u billaabeyno"., ayuu yiri Farmaajo.

Soomaaliya ayaa fileyso in tallaabadan ay faa'ido u noqoto dalka, "maadaama uu dhaqaale ka soo xaroodo hawada dalka".

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda ayaa laga soo xigtay in "dhaqaalihii ka soo xaroon jiray uu ku bixi jiray dalal kale".

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in hay'addo kale ay ka caawin doonaan maamulka hawada illaa laga tababarayo shaqaale Soomaaliyeed oo awood u leh in ay maamulaan hawadda dalka.

Xukuumadda ra'iisul wasaare Khayre ayaa ahmiyadda weyn u aragto in Soomaaliya ay markale gacanta ku dhigto maamulka hawada.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan