Ahmiyad noocee ah ayey soo wareejinta maamulka hawada u leedahay Soomaaliya?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ahmiyad noocee ah ayey Soomaaliya u leedahay la soo wareegidda maamulka hawadeeda?

Khubarada ku xeelka dheer maamulka hawada ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay tallaabada bilowga ah ee ay Soomaaliya dib ugula soo wareegayso maamulka hawadeeda.

Tan iyo bilowgii sagaashameeyadii ayaa hawada Soomaaliya waxaa maamulaysay hay'ad caalami ah oo uu fadhigeedu yahay magaalada Nairobi, kaddib markii la sheegay in Soomaaliya aanay awood u lahayn inay hawadeeda maamulato.

Shalay ayey aheyd markii magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad ay dawladda Soomaaliya dib ugula soo noqotay maamulka hawada dalka.

Haddaba ahmiyad noocee ah ayey soo wareejinta maamulka hawada u leedahay Soomaaliya? Su'aashaas iyo kuwa kale ayaan waydiiyay Maxamed Abuukar Nuur, oo ka mid ahaa khubaradii hawada ee Soomaaliya.

Mowduucyada la xiriira