Dhaqtaradii ugu horeysay ee Hindi ah oo ka shaqaysa Imaaraatka

Suleeqa Daauud

Haweenay lagu magacaabo Suleeqo Daauud ayaa noqotay dhaqtaradii ugu horeysay oo ka hawlgasha dalka isu tagga imaaraatka Carabta oo kasoo jeedda dalka Hindiya.

Suleeqa oo hadda 80 jir ah , waxayna aad u xusuusataa maalintii ay Dubai kasoo degtay sanadkii 1963-dii.

"Maalintii aan soo degnay ma jirin garoon fiican, kaliya waxaa jiray dhabbaha ay diyaaradaha ku ordaan oo kaliya, isla markii aan degnay waxaa na haleelay kuleel aad u daran" ayay tiri Suleeqa.

Maadaamaa hadda ay Imaaraatka ka jiraan isbitaalo waaweyn iyo adeegyo caafimaad oo casri ah, waxaa aad u adag in laa aamino in ay soo martay xilli aysan jirin wax isbitaal ah , dhaqaatiirtana la keeni jiray dalal shisheeye.

Suleeqo waa sida madxaf xusuusaha lagu keydiyay, waxa ay garanaysaa taariikhda Imaaraatka ee arrimaha caafimaadka. Waxa ay sheegtay in ay dadka ka caban jireen xanuuno aad u badan sida Qaaxada iyo Daacuunka. Ma jirin dhaqaatiir dumar ah oo dumarka ka dhaliya ilmaha, carruurtuna waxa ay la il darnaayeen nafaqo darro.

Lahaanshaha sawirka ZULEKHA DAUD

"Xitaa horey uma maqlin magaca Dubai ka hor intii aanan imaanin halkan. Markii aan imid ayaanan ogaaday dhibaatada halkan ka jirta iyo sida ay nolosha u adagtahay" ayay tiri Suleeqa.

Magaalada ma aysan lahayn garoon fiican, deked, iyada oo marwaxadaha qaboowga ay ahaayeen arrin riyo fog ah oo aan la gaarin. Sidoo kale ma jirin waddooyin laami ah iyo koronto. Sidaas darteed dhaqaatiir badan oo la yimid Suleeqa oo ka yimid Suuriya iyo Lubnaan waa ay diideen in ay xaaladda adag ku shaqeeyaan, waana iska laabteen.

Balse Dhaqtar Suleeqa waxa ay tiri "Waxaan dareemay in ay dadkan ii baahanyihiin, sidaas darteed waan shaqo bilaabay".

Markii hore waxa ay baratay xanuunada dumarka, balse xaaladaha ka jira meesha ayaa ku qasbay in ay barato cudurada guud, iyada oo dadka ka dawaynaysay gubashada, qaniinyada maska, cudurada maqaarka iyo wax kasta oo kale.

Aad ayay barigaas u adkayd in gabadh ka dhalatay qoys muslimiin ah, ay kaligeed iska safarto iyada oo aysan qofna la soconin, balse Suleeqa waxa ay sheegtay in waalidkeeda uu aad u taageeri jiray.

Shaqadii koowaad waxa ay ka heshay isbitaal ka samaysan teendho oo ku yiilay dhul saxaro ah oo ay dagaan beelaha reer miyiga ah, markii dambane waxa ay u wareegtay magaalada Sharjah.

Markii lagu dhawaaqay asaaska Isu Tagga Imaaraadka Carabta sanadkii 1971-dii, waxaa bilowday sare u kaca magaalada Dubai iyo waliba adeegga horumarsan ee caafimaadka

Wixii markaas ka dambeeyay waxa ay go'aansatay in ay qeyb ka noqoto kobocaasi, maantana waxa ay leedahay saddex isbitaal oo waaweyn. Xitaa waxa isbitaal cudurka kansarka lagu daweeyo ka furtay magaaladii ay ku dhalatay ee Nagpur ee dalka Hindiya.

Suleeqa waxa ay dalkan ka kasbatay xushmad aad u badan, waxaana la siiyay abaalmarino aad u kala duwan.

Hadda waa hawlgab Suleeqa, marka laga reebo labo saacadood oo ay ku qaadato isbitaalka Sharjah.

Wali waxa ay heysataa baasaboorkeedii Hindiya, xiriir fiicana waa ay la leedahay dalkeeda, balse ma doonayso in ay dib u laabato.

Mowduucyada la xiriira