Mareykanka oo Suuriya ka bilaabaya howlgal dublomaasiyadeed

Xoghayaha Wassaaradda Difaaca Mareykanka James Mattis Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xoghayaha Wassaaradda Difaaca Mareykanka James Mattis

Xogahaya Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka James Mattis, ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu arko dublomaasiyiinta Mareykanka oo jooga dhulka Suuriya gaar ahaan goobihii lagala wareegay dgaalyahanadii kooxda isugu yeerta dowladda islaamka ee IS.

General Mattis, ayaa sheegay in howlgalada ciidammada Suuriya laga badeli doono weerarada rogaal celiska ah lagana dhigi doono weeraro lagu qabsanayo dhulka Suuriya.

Sida uu hadalka u dhigay general Mattis, howlgaladan dublomaasiyadeed ee Mareykanka ayaa waxaa diiradda lagu saari doona xasilinta waddanka Suuriya.

Mareykanka oo ciidamo u diraya Suuriya

Haseyeeshee, General Mattis, ayaanan si gaar ah u xusin xiliga howlagalada noocaan ah uu bilaaban doono, balse waxa uu sheegay in hannaanka ugu horreyn ay hoggaamin doonaan diblomaasiyiin, kuwaasi oo ka shaqeyn doono dib u soo celinta adeegyadda iyo saxiixa heshiisyo cusub.

General Mattis, waxa uu sheegay in xaalada in dib loogu soo celiyo sideedii ay u baahan tahay taageero xooggan.

Sharci ahaanta in dublomaasiyiin Mareykan ah ay ka howlgalaan gudaha Suuriya ayaanan cadeyn sida ay sharci u tahay.

Duqeyn ka socota bariga magaalada Xalab

Mareykanka ayaa hakiyay xiriirka dublomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay xukuumadda Suuriya dagaalka sokeeye ee ka soconaya Suuriya awgii.