Banaanbaxyo Iiraan ka dhacay

TVga dawladda ayaa soo daayey muuqaallada dad dhar madow xiran oo jooga magaalada caasimadda ee Tehran. Lahaanshaha sawirka IRINN
Image caption TVga dawladda ayaa soo daayey muuqaallada dad dhar madow xiran oo jooga magaalada caasimadda ee Tehran.

Kumanaan qof oo ah banaanbaxayaal u janjeera xukuumadda Iiraan ayaa ka qayb qaadanaya mudaaharaadyo ka socda dalkaas, ka dib laba maalmood oo ay dhaceen dibad baxyo xukuumadda ka dhan ah.

TVga dawladda ayaa soo daayey muuqaallada dad dhar madow xiran oo jooga magaalada caasimadda ee Tehran.

Tobanaan qof ayaa la xiray intii ay socdeen dibad baxyo looga cabanayey musuqmaasuqa iyo heerka nolosha, kuwaasoo madaxweyne ku xigeenku uu sheegay inay soo abaabuleen qolyaha siyaasad ahaan ka soo hor jeeda.

Maraykanka ayaa ka digay in "Iiraan ay dunidu eegayso" jawaabta ay bixinayso.

Banaanbaxyada Sabtida dhacay ayaa la sii qorsheeyey ka hor kuwa dawladda looga soo hor jeeday, ayagoo lagu xusayey sannadguuradii 8aad ee mudaaharaadyo waddooyinka loo soo baxay oo la cabburiyey.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dadka banaanbaxayey ayaa caro kala dul dhacay madaxweyne Xasan Ruuxaani

2009 ayey dadweyne tiro badan oo taageersanaa madaxweynihii xilligaas, Mahmoud Ahmadinejad, waddooyinka u soo baxeen kuwaasoo loogu jawaabayey qolyaha isbeddel doonka, muran la xiriiray doorashada, kaasoo keenay in uu awoodda ku soo laabto.

Maamulayaasha Iiraan waxay ku eedeeyeen qolyaha kacaanka ka hor jeeda iyo wakiillo quwado shisheeye inay ka dambeeyeen mudaaharaadyada.

Waxay ballan qaadeen in gacan adag lagu qaban doono, ayagoo dhanka kalena qirtay in ay jirto qaneecad darro dhab ah oo baahsan.

Image caption Magaalooyinka ay mudaaharaadyadu ka dheceen

Mudaaharaadyada ayaa Khamiistii ka billowday magaalada ku taalla waqooyiga bari ee Mashhad, taasoo ah magaalada 2aad ee ugu dadka badan Iiraan.

Dadku waxay u soo baxeen waddooyinka ayagoo ka caraysan qiimaha aadka u sarreeya ee maciishadda, waxayna caradooda kala dul dhaceen madaxweyne xasan Ruuxaani.

52 qof ayaa loo xiray ereyo aad u qallafsan oo ay ku qaylinayeen.

Lix magaalo oo kale ayey mudaaharaadyadu ku fideen Jimcihii, qaar magaalooyinkaas ka mid ahna boolisku waxay dadka u adeegsadeen gaaska ilmada keena.

Mowduucyada la xiriira