Apple oo raalligelin ka bixisay awoodda iPhone oo ay yaraysay

Apple waxay doonaysaa inay soo ceshato kalsoonida macaamiisha Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Apple waxay doonaysaa inay soo ceshato kalsoonida macaamiisha

Shirkadda Apple ayaa raalligelin bixisay ka dib markii ay soo food saartay dhaleeceyn ay kala kulantay qirashada ay qiratay inay si ulakac ah u yaraysay awoodda iPhone-nnada gaboobay.

Shirkaddu waxay sheegatay in lacag yar lagu beddeli doono batteriyada, barnaamijyo cusubna la soo saari doono 2018, kuwaasoo macaamiisha u saamaxaya inay la socdaan xaaladda battariyaasha.

Macaamiisha qaarkood ayaa in muddo ah waxaa shaki uu uga jiray in Apple ay gaabisay awoodda Iphone-nnada gaboobay, si ay macaamiisha ugu dhiiri galiso inay kuwo cusub iibsadaan.

Hadal ay soo dhigeen bartooda internet-ka ayaa lagu sheegay in la jabiyey qiimaha lagu beddelayo battariga aan damaanadda wadan, oo halkii markii hore uu ka ahaa 79 Doolar hadda laga dhigay 29 Doollar Maraykanka gudihiisa, gaar ahaan telefoonnada iPhone 6 ama kuwa ka dambeeya.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Apple waxay soo saaraysaa barnaamijyo macaamiisha u saamaxaya inay la socdaan xaaladda battariyaasha.

UK ayaa sicirka oo markii hore ahaa 79 Gini waxaa iminka laga dhigay 25 Gini.

Shirkaddu waxay sheegtay inay dhiirri galinayso talaabooyin "ka turjumi kara walaaca macaamiisha' si loo aqoonsado daacadnimadooda, dibna loogu hanto kalsoonida qof kasta oo shaki uu ka galay waxa ay Apple damacsan tahay" ayaa lagu yiri hadalkaas.

Ilaa 8 dacwadood oo arrintan la xiriira ayaa Apple uga furan Maraykanka, waxaana jira qaar kale oo ka furan Faransiiska iyo Israa'iil.

Horraantii bishan ayey Apple qiratay inay si ulakac ah u yaraysay awoodda qaar ka mid ah noocyada iPhone ee gaboobay.

Waxay sheegtay inay isbeddel ku samaysay hanaanka ay taleefoonadeedu ku shaqeeyaan ee iOS, gaar ahaan qaabka uu hanaankaas ula shaqeeyo batariga lithium ion.

Mowduucyada la xiriira