Madaxwayne Trump oo ka hadlay dibadbaxyada Iiraan

Madaxwayne Trump Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxwayne Trump

Madaxwaynaha dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dibadbaxyada ka socda dalka Iiraan.

Madaxwayne Trump, ayaa bartiisa tweetarka ku soo qoray in xukuumadaha wax cadaadiya aysan sii waari doonin.

Wasiirada arrimaha dibadda ee Iran oo ka jawaabtay hadalka Trump ayaa ku tilmaamay in uu yahay mid fursad ka faaidaysi ah islamarkana ah khiyaano.

Madaxwaynaha mareykanka ayaa horey u dhaliilay heshiiskii Niyukleerka ee Iiraan ay la galeen wadamada quwadaha waawayn.

Dibadbaxyada Iiraan ayaa imika u muuqda kuwa sii xoogaysanaya.

Magaalooyiinka qaar waxaa isku dhacay dibad baxayayaasah iyo booliiska.

Waxaa sidoo kale shalay caasimada Tehran ka dhacay dibadbax lagu taageerayay xukuumada Iiraan.

Mowduucyada la xiriira