Milateriga Nayjeeriya oo sheegay inay iska waabiyeen Boko Xaraam

Milateriga Nayjeeriya ayaa sheegay in, ayagoo adeegsanaya ciidanka lugta iyo dayaaradaha dagaalka, ay dib u waabiyeen weerarro dhowr ah oo ay kooxda Boko Xaraam ku qaadeen tuulooyin ku yaalla gobolka waqooyi bari ee Yobe.

Image caption Weerarrada ayaa ka dhacay meel u dhow xudduudda dalka Niger.

Weerarrada ayaa ka dhacay meel u dhow xudduudda dalka Niger.

Mintidiintan la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Boko Xaraam ayaa bartilmaameedsaday saldhig milateri oo ku yaalla magaalada Kanamma ee gobolka Yobe.

Dad tuulo-joog ayaa iyagana la bartilmaameedsaday sida ay wararku sheegayaan.

Laakinse taliyaha milateriga Nayjeeriya ee dagaalka kula jira kacdoonka Boko Xaraam ee gobolka, Sarreeye gaas Nicholas Rogers, ayaa BBC u sheegay in qolyihii weerarka soo qaaday la waabiyey.

Wuxuu sheegay in aysan weli qiimayn khasaaraha, ka dib dagaal dhowr saacadood ka socday meel lama degaan ah.

Waxaa kaloo jiray weerarro ay qaadeen rag loo malaynayo inay kooxaha kacdoonka wada ka tirsan yihiin, oo ay ku qaadeen tuulada Maiwa oo u dhow magaalada Maiduguri ee gobolka jaarka la ah Borno.

Ugu yaraan afar qof ayaa halkaa ku dhintay Sabtidii.

Mowduucyada la xiriira