Dawladda Soomaaliya oo laga dalbaday in soo farogaliso arrinta Beledxaawo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dawladda Soomaaliya oo laga dalbaday in soo farogaliso xiisadda Beledxaawo

Siyaasiyiinta iyo odayaasha gobolka Gedo ayaa ka dalbaday dawladda Soomaaliya inay soo faragaliso xiisadda ka taagan magaalada Beledxaawo ee u dhaxaysa dadka deegaanka iyo ciidamada Kenya.

Dadka deegaanka ayaa ku eedeynaya ciidammada Kenya inay doonayaan in qayb ka tirsan magaalada Beledxaawo ay raaciyaan xuduudda dhinacooda.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan ayaa waraystay Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ah xildhabaan ka soo gala baarlamanka Soomaaliya gobolka Gedo, wuxuuna weriyahu marka hore weydiiyay waxa uu kala socdo muranka ka taagan Beledxaawo.