Kuuriyada Koonfureed oo soo dhaweeysay wadahadal lala galo K/waqooyi

Madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in, Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in,

Xukuumadda Kuuriyada Koonfureed ayaa soo dhawaysay hadalkii ka soo yeeray hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un oo sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadalo.

Madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in, ayaa u sheegay golahiisa wasiirada in hadalka Kim Jong uu jawaab u yahay dalab uu isaga jeediyay bishii July.

Kulankii ugu dambeeyay ee labada dhinac ay yeeshaan ayaa dhacay in ka badan laba sano ka hor.

Madaxwayne Moon ayaa sheegay in xukuumadiisa ay ka war sugayso ergada uu hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu sheegay in uu u soo diri doono Pyeongchang .

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa khudbad uu ugu talagalay sanadka cusub waxa uu ku sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan Kuuriyada Koonfureed.

Mowduucyada la xiriira