Puntland oo lagu dhaliilay dayac tir la'anta garoomada ciyaaraha
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Puntland oo lagu dhaliilay dayac tir la'anta garoomada ciyaaraha

Iyadoo dhowaan magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay tartanka cayaaraha maamul-goboleedyada dalka, ayaa garoomada cayaaraha ee maamul-goboleedka Puntland waxaa la sheegayaa inuu ka jiro dayac oo maba laha roogga cagaaran marka laga reebo garoomada gaarka loo leeyahay ee yar yar.

Dadka daneeya cayaaraha iyo cayaartoyda qaarkood ayaa dhowr jeer ku dhaliilay wasaaradda ciyaaraha ee Puntland inaysan xoogga saarin horumarinta garoomada. Haddaba weriye Axmed Cawil Jaamac ayaa warbixin arrintaasi ku saabsan ka soo diray magaalada Garowe.