Soomaali qaxootinimo u tagay Israa'iil
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali qaxootinimo u tagay Israa'iil

Dad lagu qiyaasay 38,000 oo ruux oo Afrikaan ah oo ay Soomaali ku jirto oo ku nool Israa'iil ayaa lagu amray in ay dalkaasi uga baxaan muddo 90 maalmood ah, haddii kale ay xabsi muteysan doonaan.

Dadkan ayaa ah dad magan-gelyo doon ahaa badankoodna waxay ka soo jeedaan qaaradda Suudaan iyo Eretrea, kuwaasi oo codsigooda qaxootinimo la aqbali waayay, waxaana qof kasta la siinayaa 3,500 oo doolar si ay dalalkooda ugu laabtaan.

Hay'adda Qaramada Midobey u qaabilsan Qaxootiga iyo kooxaha xaquuqul insaanka ayaa arrintan ku tilmaamay mid ka dhan ah qawaaniinta caalamiga ah.

Balse dowladda Israa'iil waxay ku doodeysaa in tallaabadani loo qaadi doono si waafaqsan bani'aadanimada.

Hadaba arrintaasi ayaa ka waraysanay Nuur Cabdi Sheekh oo ka amid ah Soomaalida qaxootinimada ku tagay Israa'iil.