Shan teknooloji oo Africa ku soo kordhaya 2018-ka

Dumar Itoobiya u dhashay oo taleefoon ku dhaygagsan Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dumar Itoobiya u dhashay oo taleefoon ku dhaygagsan

Wariyaha BBC-da Clare Spencer ayaa soo xushay shan sheey oo sanadkan 2018-ka kusoo kordhaya Afrika, ama isticmaalkooda uu aad u kordhi doona, kuwaas oo ah tiknoolajiyadda casriga ah.

Sabarloogooyinka dhulka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dhul ku yaala Rwanda

Fikradda ah diiwaangalinta iyo dokumendiyada waa mid aysan ka jirin qeybo ka mid ah Afrika, taas waxa ay horseedaa murano la xiriira dhulalka, sababtuna tahay in aysan kala caddeyn cidda leh dhulka.

Xitaa meelaha ay ka jiraan diiwaanada , waxaa dhacda in la been abuuro dokumendiyada dhulalka ama sabarloogooyinka.

Balse waxaa lasoo kordhiyay hab cusub oo lagu magacaabo Blockchain oo aanan la tirtiri karin diiwaanka iyo xogta meesha lagu kaydiyo.

Waxa lagu keydiyaa heshiisyada, kuntaraadaha iyo waxyaabaha kale ee ay dadka isku afgartaan, ama kala saxiixdaan, taas oo hadhoow si madax banaan loo hubin karo qofkii u baahan.

Waxyaabaha cajiibka ka dhigaya habkan ayaa ah in uusan hal meel ku kaydsanayn, balse uu ku kaydsanyahay kumbuyuutaro kala duwan oo kumanaan gaaraya, taas oo keenaysa in haddii mid laga tiro, kuwa kale uu ku harayo kaydka.

Qof kasta oo ciwaan ku leh habkan ayaa eegi kara, islamarkaasna arki kara waxa meesha ku kaydsan.

Shirkadda WISeKey ayaa habkan u isticmaalaysa in ay ku diiwaangaliso waraaqaha lahaanshiyaha dhulka ee dalka Rwanda.

Kireynta Kheyraadka aadamiga ah

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xuruufta Internetka

Fikraddan waxa ay ku saabsan in dadka ku taqasusay tiknoolajiyadda ee ku sugan Afrika laga kireeyo ama si kunturaad ah ay ugu shaqeeyaan shirkadaha waaweyn ee Maraykanka iyo Yurub xilli ay aad usoo yaraanayaan dadka leh taqasuskan.

Shirkad lagu magacaabo Andela ayaa qorshahan ka hirgalisay dalka Nigeria, waxaana jira qorshayaal ay barnaamijkan oo kale ugu baahinayso dalka Masar.

Sanadkan waxaa shirkadan nidaamkaas kusoo galay lacag dhan $40 milyan oo doolar, halka sanadkii ka horeeyay ay heleen lacag $24 milyan oo ka timid shirkadda Facebook.

Marka hore shirkadda waxa ay tabobaraysaa dhalinyarada, kadibna lacagta ay sameeyaan ayaa laga jarayaa qarashkii waxbarashada ku baxday.

Si sahlan oo loo lacagaha la isaga bixin karo

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Lacag caddaan ah

Dad badan oo Afrika ku sugan ma lahan akoono bangi, iyada oo barnaamijka taleefoonada lacagta laga dirsado ay noqdeen kuwa aad u guuleystay.

Afrika waxa ay noqotay hormuudka adduunka ee lacagaha la'isugu diro taleefoonada, sanadkii 2016-ka waxaa habkan isticmaalay wax ka badan 100 milyan oo qof.

Balse dhibka jira ayaa ah in adeegyada la isticmaalo ay aad u badanyihiin, kuwaas oo adkaynaya in dad badan ay badeecoyin ka iibsadaan qadka internetka.

Waxaa lasoo alifay barnaamij lagu magacaabo Flutterwave oo bangiyada adduunka u sahlaya in ay aqbalaan lacagaha lagu diro taleefoonada in dadka isticmaala ay wax ka iibsan karaan qadka Internetka, gaar ahaan qaarada Afrika.

Rubucii ugu horeeyay ee sanadkii 2017-kii, Flutterwave waxa ay la marsiiyay lacag dhan $444 milyan oo doolar oo ka timid dalalka Ghana, Nigeria, iyo Kenya.

Shirkadan ayaa waxa ay sheegtay in sanadkan 2018-ka ay rajaynayso in dad badan oo Afrikaan ah ay isticmaalaan habkan, islamarkaasna ay wax ka iibsadaan shirkadaha sida AMAZON oo kale, kuwaas oo aysan horey u awoodi jirin in ay iibsadaan.

In Badeecada laguugu keeno diyaaradda aan duuliyaha lahayn

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Diyaarad duuliye aan lahayn oo Rwanda ku sugan

Waxaa jira baratan caalami ah oo shirkadaha ganacsiga adduunka ay ugu jiraan in alaabaha iyo badeecooyinka ay dadka ku iibsadaan qaabka iibka internetka in guryahooda loogu geeyo si dhaqso ah, iyada oo la isticmaalayo diyaaraha yaryar ee duuliyaha wadin.

Yurub iyo Maraykanka waxa ay diyaaradahan geyn karaan alaabaha yaryar oo kaliya, sababtuna waxa ay tahay sharciyada xagga duulimaadka oo xaddidaya.

Balse dalka Rwanda oo kale waxa ay gacmo furan kusoo dhaweynaysaa diyaaradahan iyo adeega ay bulshada u qaban karaan.

Xaqiiqda ah in aysan waddooyin wanaagsan jirin iyo in garoomo diyaaradeed aysan jirin qeybo badan oo Afrika ka mid ah ayaa fikradda diyaaradaha yaryar ee aan duuliyaha lahayn ka dhigaya mid si wanaagsan u shaqayn karta oo ku habboon.

Shirkadda lagu magacaabo Zipline ayaa hawlgalisa diyaaradahan, waxana hadda ay ku daabushaa alaabo yar yar sida dawooyinka, dhiigga, iyo talaalka, waxana ay hadda ka shaqaysaa dalalka Rwanda iyo Tanzania.

Tamarta cadceedda

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Tamarta cadceedda

Shirkadaha korontada ee dalalka ayaanan dabooli karin baahida ay qabaan dadka , iyada oo dadka meelaha fogfog degan aysan haysanin wax koronto ah.

Shirkadda lagu magacaabo Peg Afrika ayaa ka mid ah shirkadaha iibiya qalabka ku shaqeeya tamarta cadceedda, balse qalabkani qaali ayuu ku yahay in ay dad badan iibsadaan, sidaas daraadeed shirkadan waxa ay bilowday in ay dadka deen ku siiso qalabkan, kadibna xoogaa xoogaa ay isaga bixiyaan lacagta.

Waxa ay hadda ka shaqaysaa dalalka Ghana iyo Ivory Coast.

Lahaanshaha sawirka Thinkstock
Image caption Gabadh isticmaalaysa taleefoonka casriga ah

Mowduucyada la xiriira