Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya oo booqanaya Sool iyo Sanaag
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya oo booqanaya Sool iyo Sanaag

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee Soomaaliya, Amb Jamaal Maxamed Xasan, ayaa safar shaqo ku maraya deegaanno ka tirsan gobollada lagu muransan yahay ee Sool iyo Sanaag, halkaas oo ay isku hayaan maamulka Puntland iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbaannanida ee Somaliland.

Waa wasiirkii ugu horreeyay ee ka tirsan Dowladda Federaalka ah oo deegaannadaasi booqdo muddo 30 sanno ah.

Wasiirka ayaa BBC u sheegay in ujeedka socdaalkiisu yahay sidii wax loogu qaban dadka deegaanka oo uu sheegay in la dayacay.

Khadka telefoonka ee Dhahar ayaannu haddaba kula xiriirnay wasiir Jamaal oo u warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.