Xukuumada Iiraan oo wada dadaalo ay ku soo afjarayso dibad baxyada

Madaxa ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan Maxammad Cali Jafari Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxa ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan Maxammad Cali Jafari

Xukuumada Iiraan ayaa xoojisay dadaalka ay ku doonayso in ay ku soo afjarto dhawr maalmood oo ay dalkaasi ka socdeen dibad baxyo dowlada looga soo horjeedo.

Madaxa ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan Maxammad Cali Jafari ayaa sheegay in ciidamo ay direen si ay u xaliyaan waxa uu ugu yeeray khiyaano qaran oo cusub.

Waxa uu sidoo kale sheegay in la soo gaaray xiligii la soo afjari lahaa dibadbaxyada.

Madaxa ciidamada ilaalada kacaanka Maxammad Cali Jafari ayaa xusay in dadkii masuulka ka ahaa dibadbaxyada xabsiga la dhigay islamarkana loola tacaali dooni si adag.

Waxaa adag in warar sax ah laga helo dibadbaxyada dalkaasi Iiraan imika ka socda.

Dhanka kale warbaahinta dowlada Iiraan ayaa baahisay muqaalo dibadbaxyo lagu taageerayo dowladda oo ka dhacay dhawr magaalo oo dalkaasi ka tirsan.

Dowlada Mareykanka ayaa horey ugu baaqda kulan degdeg ah oo ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeeshaan xaaladda Iiraan.

Mowduucyada la xiriira