Equatorial Guinea oo "ka hor tagtay isku day afgembi"

Teodoro Obiang Nguema wuxuu xilka dalka hayay tan iyo 1979-kii. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Teodoro Obiang Nguema wuxuu xilka dalka hayay tan iyo 1979-kii.

"Calooshood u shaqeystayaal" ayaa isku deyay in ay afgembi ka sameeyaan dalka ku yaalla Galbeedka Afrika ee Equatorial Guinea, sida ay sheegtay dowladda.

Ugu yaraan 30 qof oo hubeysan oo ka soo kala jeeda dalalka "Chad, Cameroon iyo Jamhuuriyadda Bartamah Afrika" ayaa la xiray bishii la soo dhaafay, sida uu sheegay wasiir ka tirsan dowladda.

Waxaa lagu qabtay madaafiic, qoryo iyo rasaas ay ka soo gudbinayeen xudduuda Cameroon, wasiirka ayaa intaa ku daray hadalka.

Dowladda madaxweyne Teodoro Obiang Nguema waxaa markasta lagu eedeeyaa musuqmaasuq iyo xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Sida laga baahiyay telefishinka dowladda, militariga dalkaasi waxay toogteen rag hubeysan ka dib dagaal xudduuda ay Cameroon kula galeen koox hubaysnayd.

Sidoo kale wuxuu intaa raaciyay in ciidammada "ay rasaas ku kala eryeen calooshood u shaqeystayaal kale oo ku dhuumanayay keynta xadka".

Mr Obiang wuxuu xilka madaxweynaha hayaa ku dhowaad 40 sano, wuxuuna awoodda ku qabsaday afgembi uu meesha kaga saaray adeerkiisa Francisco Macias Nguema, kaas oo la toogtay.

Hoggaamiyahan xilka ku daahay waxaa markale oo shanaad loo doortay in toddobo sano uu hayo jagada madaxweynaha.

Warbixin uu wasiirka aminga Nicholas Obama Nchama ka akhriyay idaacadda dowladda wuxuu isku dayga afgembi ku eedeeyay koox la soo kireystay oo u adeegaysa mucaaradka iyo "awoodo" kale oo aan hubeysnayn.

Wuxuu tilmaamay in isku dayga afgembi la fashiliyay iyadoo "garab laga helayo ciidammada amniga ee Cameroon".

Dalka Equatorial Guinea wuxuu sheegay in isku dayo afgembi uu ka hor tagay sannadihii la soo dhaafay.

Sannadkii 2004-tii, askari British ahaa, Simon Mann, ayaa la sheegay in uu xiriir la lahaa afgembi la doonayay in meesha looga saaro Mr Obiang.

Askerigaasi hore, oo sidoo kale ganacsade ahaa ayaa lagu xiray Zimbabwe sannadkii 2004-tii, afar sano ka dib ayaa lagu wareejiyay Equatorial Guinea.

Sannadkii 2008, Mr Mann waxaa lagu xukumay 34 sano oo xabsi ah, laakiin sannad ka dib ayaa la siidaayay markii uu cafis ka helay madaxweyne Mr Obiang.

dalka Equatorial Guinea wuxuu ka mid yahay wadammada Afrika ee soo saara saliidda ugu badan, balse shacabka dalkaasi wali waxay ku nool yihiin faqri iyo saboolnimo.

Sannadkii 2017-kii, Maxkamad ku taaalla Faransiiska waxay xabsi ka baajisay madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Teodorin Obiang, kaas oo ah wiilka madaxweyne Obiang, wuxuuna ku eedeysnaa musuqmaasuq.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan