Wasiir amray in lugaha laga jabiyo kuwa daroogada gada

'Turkiga waxaa la sii mariyaa daroogada laga keeno Afghanistan' Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption 'Turkiga waxaa la sii mariyaa daroogada laga keeno Afghanistan'

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Suleymaan Soylu ayaa lagu dhaliilay inuu booliska ku amray inay lugaha ka jabiyaan qolyaha daroogada ka ganacsada ee lagu arko iskuullada dibaddooda.

Ururka xuquuqda aadanaha ee Turkiga (IHD) iyo wargayska cilmaaniga ah ee mucaaradka ah, Cumhuriyet, ayaa labada ku eedeeyey Mr Soylu in arrinta uu sameeyey ay tahay kicin in dambi la galo.

Wuxuu ku yaboohay inuu qaato eedda halkaa ka timaada.

"Haddii qof ka ganacsada daroogada uu joogo meel u dhow iskuul, booliska waajibka saaran waa inay lug ka jebiyaan. Sidaas ha la yeelo, hana la igu eedeeyo. Xataa hadday ku kacayso shan, toban, labaatan sano oo xabsi ah - waa galaynaa" ayuu yiri.

Wuxuu ka hadlayey kulan dadweyne oo looga hadlayey arrimaha amniga, wuxuuna ka dhacay caasimadda Turkiga ee Ankara.

Wuxuu sheegay in qabashada ay ciidanka amnigu qabteen 20 tan oo ah daroogada Heroine 2017 ay sannadkaas ka dhigtay kii daroogada ugu badnayd la qabtay.

"Waxa aan ku samaynayno argagixisada PKK wax la mid ah waa in aan ku samayno kuwa darooga gada. Ma jiro qof mustaqbalkeenna sumayn kara. Waxa ay ciidanka amnigu sameeyaan waa aniga mas'uuliyadayda" ayuu yiri.

Warbixin 2017 ay soo saartay xarunta ka hor tagga daroogada iyo la dagaallanka qabatinka daroogada ee Yurub ayaa sheegaysa in Turkiga u yahay marin ay qolyaha daroogada dhoofiya u sii mariyaan Yurub Heroine-ka ka yimaada Afghanistan.

Mowduucyada la xiriira