Lafaha dad Cali Beesteen ah oo laga heley Maraykanka

Farshaxan muujinaya qaabkii ay u noolaayeen dadkii hore Lahaanshaha sawirka ERIC.S.CARLSON ILLUSTRATION
Image caption Farshaxan muujinaya qaabkii ay u noolaayeen dadkii hore

Seeynisyahano u dhashay dalka Maraykanka ayaa gobolka Alaska ka heley lafo gabadh yar oo la sheegay in ay ka mid tahay dadkii Cali Beesteenka ahaa ama hindida cas cas ee ahaa dadkii loogu tagay qaaradda Amerika.

Seynisyahanada waxa ay sheegeen in lafahan ay meesha ku jireen wax ka badan 11 kun oo sano, waxana ay intaas ku dareen in arrintan ay ifinayso kuwii ay ahaayeen dadkii loogu tagay qaaradda ama ku noolaan jiray qarniyaal badan ka hor.

Waxa ay seeynisyahanada aaminsanyihiin in ay jireen dad asalkooda kasoo jeeda Siberia oo ah gobolka ka tirsan Ruushka oo Amerika ku noolaan jiray 20 kun sano ka hor.

"Waa qalfoofkii ugu horeeyay oo ebed laga helo gobolka Alaska, balse waxa xiisaha leh ayaa ah in qofkan uu ka tirsanaa dad aanan waligood horay loo arag ama loo maqlin" ayuu yiri Prof Willerslev oo ka tirsan jaamacadda Copenhagen.

"Dadkani waxa ay aad ugu egyihiin dadka la garanayo ee dhalladka ah ee Maraykanka , waxaadna dhihi kartaa in qofka qalfoofkiisa aan helnay uu ka dhashay dadkii asalka ahaa ee loogu yimid Maraykanka" ayuu intaas ku daray.

Seeynisyahanada ayaa darsaya hiddo sidaha qalfoofka si ay u ogaadaan xogo dheeraad ah, inkasta oo laga yaabo in meelaha qaarkood la'isku qaldo asalka hiddo sidaha .

Dadka maanta Ameerika ku nool intooda badan waa kuwa tagay qarniyihii dhawaa, iyada oo dadkii hore ee dhulkaas degenaan jiray, Soomaalidana u taqaan Cali Beesteen ama Hindida Cas Cas ay yihiin dad dabar go'ay oo aad ugu yar Amerika.

Mowduucyada la xiriira