Heerkulka Sydney oo gaaray meeshii ugu sarreysay tan iyo 1939

Taagerayaal daawanayay ciyaar oo dharka yareystay kuleyl awadii Lahaanshaha sawirka LLSPORT/GETTY IMAGES
Image caption Taagerayaal daawanayay ciyaar oo dharka yareystay kuleyl awadii

Magaalada Sydney ee waddanka Australia ayaa waxaa laga dareemayaa kuleylkii ugu darnaa muddo 79 sanno ah iyadoo heerkulka uu gaaray 47.3C (117F) oo ah mid aad u heer sarreeya.

Dadka ku nool deegaanka Penrith ee galbeedka Sydney ayuu dhidid qooyay jirkooda xilli kuleylku uu saameeyay maanta oo Axad ah.

Dhowr digniino oo la xiriira in dab kici kara ayaa lagu shaaciyay deegaanka Sydney oo dhan.

Heerkulka maanta oo Axad ah ayaa waxyar ka yar kuleylkii deegaankaasi ku dhuftay 1939, markaas oo heerkulku uu gaaray 47.8C.

Ciyaartoy ka qeyb qaadanaysay tartan caalami ah oo Tennis ah ayaa waxaa qasab ku noqotay inay ciyaarta soo afjaraan 10-ka subaxnimo xilliga Sydney, kaddib markii kooxaha soo qabanqaabiyay tartankaasi ay sheegeen in heerkulku uu 40C kor u dhaafay.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaar ka mid ah dadka magaalada Sydney oo maanta oo Axad ah isugu soo baxay xeebta Bondi

Mowduucyada la xiriira