Shiinaha: Dad lagu la'yahay maraakiib isku dhacday

Shilka maraakiibta ayaa ka dhacay meel 160 nautical mile oo cabirka badda ah u jirta xeebta Shanghai Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Shilka maraakiibta ayaa ka dhacay meel 160 nautical mile oo cabirka badda ah u jirta xeebta Shanghai

Laba iyo labaatan qof ayaa la la'yahay kaddib markii markab saliidda qaada iyo mid xamuulka qaada ay habeenimadii Sabtida isku dhaceen meel ka baxsan xeebta bariga ee badda Shiinaha.

Markabka Sanchi ee saliidda qaada kana diiwaangashan waddanka Panama ayaa waxa uu waday 136,000 oo tan oo saliid ah oo ay Iiraan leedahay, kaas oo uu dab qabsaday kaddibna shilka.

Wasaaradda Gaadiidka ee Shiinaha ayaa sheegtay in dadka la la'yahay ay yihiin shaqaalaha markabkaasi oo 30 ka mid ah Iiraaniyiin yihiin halka labana ay u dhasheen dalka Bangladesh.

Wasaaradda ayaa sheegtay in 21 shaqaale ah oo la socday markabka xamuulka qaada la badbaadiyay.

"Markabka Sanchi ayaa quusaya oo ilaa haatanna gubanaya. Saliid ayaa ka qubanaysa waxaan ku dadaalaynaa sidii aannu u xoojin lahayn howlgalka badbaadinta," wasaaradda ayaa tiri.

Sawir lagu daabacay warbaahinta dowladda ee CGTN ayaa muujinaya holac iyo qiiq ka baxaya markabka qaada saliidda.

Mowduucyada la xiriira