Jabhadda Rohingya oo sheegtay in ay weerareen Militariga Myanmar

Kumannaan qof oo ah Muslimiinta Rohingya ayaa ka qaxay Myanmar Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kumannaan qof oo ah Muslimiinta Rohingya ayaa ka qaxay Myanmar

Jabhadda hubaysan ee Muslimiinta Rohingya ee ka dagaalanta dalka Myanmar ayaa waxay sheegeen in ay fuliyeen weerar ay ku qaadeen militariga dalkaasi.

Jabhaddani Muslimiinta Rohingya ayaa bayaanka ay soo saareen waxa ay ku muujiyeen in aysan lahayn khiyaar aan ka ahayn in ay sii wadaan mucaaradnimadooda hubaysan.

Mucaaradka Arakan Rohingya Salvation Army ayaan wax faahfaahin ah ka bixinin weerarkan gaadmada ah oo ay ku qaadeen magaaladda Maungdaw ee gobolka Rakhine,marka laga soo tago in ay sheegteen masuuliyada weerarka.

Waxa ay ku eedeeyeen militariga Burme in ay sii wadaan cadaadiska ay ku hayaan Muslimiinta Rohingya taasi oo ay sheegeen in ay u dhiganto xasuuq.

Militariga Myanmar ayaa dhankooda beeniyay in ay tacadiyo gaysteen.

  1. Sawirrada Muslimiinta Rohingya ee ka cararaya Myanmar
  2. Maxaa soo cusboonaysiiyay qaxa Muslimiinta Rohingya?
  3. Ma taqaan hogaamiyaha ciidanka badbaadinta Rohingya?

Tira yar oo weeraro ah ayay filiyeen kooxdani tan iyo intii ay bilaabeen weerarada ka dhanka ah ciidamada ammaanka Myanmar bishii August.

Weerarada ay fuliyeen jabhadda Arakan Rohingya Salvation Army ayaa waxaa ka dhashay in militariga ay fuliyaan howlgalo ay ku barakaceen boqolaal kun oo qof oo ah Muslimiinta Rohingya.

Dadkani ayaa waxa ay intooda badan u qaxeen dalka Myanmar dariska la ah ee Bangladesh.