Jigjiga oo indho fiiqid bilaash ah laga fuliyay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jigjiga oo indho fiiqid bilaash ah laga fuliyay

Magaalada Jig-jiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa maalmahan ka soconayay ol'ole indhaha loogu fiiqayo boqolaal qof oo ay haysatay dhibaato dhanka aragga ah.

Ilaa 400 oo qof ayaa ka faa'iideysatay arrintan oo ay fulinayeen dhakhaatiir maxalli ah, waxaana arrintan maalgeliyay Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Arrintan ayaa ka dhalatay daraasad horey loo sameeyay oo lagu ogaaday in tiro badan oo dadka deegaanka ahi ay qabaan dhibaato dhanka aragga ah, waxaana olole noocan oo kale ah sanadkiiba saddex jeer laga fuliyaa gobollada dowlad deegaanka.

Weriye Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam ayaa warbin arrintaasi ku saabsan ka soo diray Jigjiga.

Mowduucyada la xiriira