Dibad baxyo ka dhacay dalka Tunisia

Sawir hore Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Sawir hore

Booliiska dalka Tunisia ayaa isticmaalay suntan dadka ka ilmaysiisa si ay u kala cayriyaan dibadbaxayaal ka cabanaya qiimaha maciishada iyo tilaabooyiin lagu xoojinayo dhaqaalha oo ay dowladda soo rogtay.

Dibadbaxyada ayaa ka qarxay magaalooyiinka Thala iyo Kasserine halkaasi oo ay booliiska iyo dibadbaxayaasha ay isku dhaceen.

Bilowgii sanadkan qiimaha qaar ka mid ah badeecooyiinka ayaa sare u kacay.

Dowladda dalka Tunisia ayaa sidoo kale kordhisay canshuurta laga qaado gawaarida ,taleefoonada iyo alaabo kale.

Dalka Tunisia ayaa ahaa wadankii ay ka bilaabmeen dibadbaxyadii loogu magac daray Guggii Carabta.

Dadka reer Tunisia ayaa ahaa kuwa hormud u noqday dibadbaxyo ka dhacay qaar ka mid ah dalalka Carabta kuwaasi oo xukunka looga tuuray madax muddo dheer xilka hayay.

Balse dhaqaalaha dalka Tunisia ayaa wali kacaa kufaya iyada oo maalgashadayaasha iyo dalxiisayaasha ay ka maagtaan in ay booqdaan iyaga oo ka cabsi qaba xasilooni daro.

Mowduucyada la xiriira