Faadumo Cali Nakruuma oo 27 sano kaddib ku laabatay Muqdisho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Faadumo Cali Nakruuma oo 27 sano kaddib ku laabatay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxa markii ugu horeysay muddo 27 sano ah dib ugu laabatay fannaanadda caanka ah ee Faadumo Cali Nakruuma oo qurbaha ku nooleyda tan iyo markii dagaallada sookeeye ay Xamar ka billowdeen sanadkii1991-kii.

Nakruuma ayaa si weyn Muqdisho loogu soo dhaweeyay, iyadoo intii ay joogtay ka qayb gashay bandhig faneedyo lagu taageerayay nabadda.

Sidoo kale Nakruuma waxay booqatay tiyaatarka qaranka oo ku burburay dagaalladii Sokeeye iyo Radio Muqdisho oo ay muddo dheer ka shaqaynaysay.

Nakruuma waxay fanka Soomaalida ku biirtay bartamihii lixdanaadkii, dad badan ayaana xiiseeye heesaha ay ku luqeyso iyo qaabka jiliinka ee ay ku matasho riwaayadihii ay qaybta ka ahayd.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan ayaa la kulmay Nakruuma, wuxuna marka hore weydiiyay wixii ay kala kulantay Xamar 27 sano kaddib.