Beel ka mid ah Soomaalida oo weli heysata dhaqankii hore ee lagu soo xulan jiray ugaasyadda
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Beel ka mid ah Soomaalida oo weli heysata dhaqankii hore ee lagu soo xulan jiray ugaasyadd

Nidaamka iyo hab maamuuska ay ku shaqeeyaan ugaasyada beelaha Soomaalida ayaa inta badan la sheegaa inay isku mid yihiin balse meelaha qaarna ay si weyn ugu kala duwan yihiin.

Beelaha Soomaalida oo markii hore midwalba hal hogaamiye dhaqamadeed lahaan jirtay ayaa haatan waxaa la sheegayaa in taladii reeraha hoos loo dhaadhiciyay, beelaha oo dhanna sidaa ma wada ahan.

Tusaale ahaan Beesha Ciise ee degta Itoobiya, Jabuuti iyo qeyba ka mid ah Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, ayaa weli dhaqankii hore ku dheggan oo waxaa hogaamiya hal ugaas oo aan dhaxal ku iman.

Waa Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim oo sanadkii 2010 lagu caleemo saaray degmada Saylac.

Haddaba Xaaji Muuse Maygaag Barre waxa uu ka mid yahay golaha gendaha ee la taliya ugaaska ayaa waxaa wareystay weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige.