Xanuunka kaduudiyaha oo dhib ba'an ku haya Mombasa iyo deegaannada ku dhaw
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xanuunka kaduudiyaha oo dhib ba'an ku haya Mombasa iyo deegaannada ku dhaw

Magaalada Mombasa iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka xeebta ee waddanka Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu xanuunka kaduudiyaha ku soo ritay tiro aad u badan oo dad ah.

Xanuunka kaduudiyaha oo ay keento qaniinyada nooc ka mid ah kaneecada ayaa waxa uu leeyahay qandho aad u kulul, waxa uuna sidoo kale saameeyaa kala goysyada xubnaha jirka.

Haddaba dhibaatada uu Kaduudiyaha ku hayo dadka Mombasa iyo gobolka xeebta ayaa waxaannu ka waraysanay Dr Khaliif Cabdifitaax Maxamed, oo ka mid ah howlwadeennada caafimaadka ee cisbitaalka guud ee gobolka xeebta, waxa uu khadka telefanka ugu warramay Bashkas Jugsoodhacay.

Mowduucyada la xiriira