Hoggaamiyaha xisbiga ANC ee K/ Afrika oo maanta khudbad u jeedinaya guddiga fulinta
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hoggaamiyaha xisbiga ANC ee K/ Afrika oo maanta khudbad u jeedinaya guddiga fulinta

Hogaamiyaha cusub ee Xisbiga haya talada waddanka Koonfur Afrika ee ANC, Cyril Ramaphosa, ayaa lagu wadaa inuu maanta khudbad u jeediyo guddiga fulinta ee qaranka, halkaas oo lagu wado inuu ku ballanqaadi doono sida uu ula dagaalami doono musuq maasuqa.

Hadalka hogaamiyaha ANC ayaa ku soo beegmaya xilli ay waddankaasi hareeyeen dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha iyo eedo baahsan oo salka ku haya maaliyad la lunsaday.

Haddaba umuurtaasi ayaa waxaannu ka wareysannay Axmed Xaaji Mahad (Axmed Dowlo) oo ah qoraa deggan waddanka Koonfur Afrika, waxa uu u warramay Axmed Badar.