Wiil Soomaali ah oo duqa Minneapolis u magacaabay la taliyaha dhanka shaqa abuurka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wiil Soomaali ah oo duqa Minneapolis u magacaabay la taliyaha dhanka shaqa abuurka

Duqa magaalada Minneapolis ee waddanka Mareykanka, ayaa dhawaan lataliyahiisa dhinaca shaqa abuurka iyo arrimaha ganacsiga waxa uu u magacaabay Cabdiquduus Doonyaale oo ah wiil dhalinyaro oo Soomaali ah.

Cabdi Quduus ayaa horey uga soo shaqeeyay xafiisyada gobolka Minnesota waxa uuna ka tirsanaa xaafiiska degmada 6-aad ee magaalada Minneapolis.

Haddaba shaqadan cusub muxuu ninkan ku mutaystay? Su'aashaas iyo kuwa kale ayuu weriyaha BBC-da ee Mareykanka uu waydiiyay isla Cabdi Quduus Doonyaale.