Natiijo ka soo baxday baaritaan caafimaad oo lagu sameeyay Trump

Donald Trump Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Donald Trump

Dhakhtarka gaarka ah ee aqalka cad ee looga arrimayo dalka mareykanka ayaa sheegay in madaxwayne Donald Trump uu caafimaadkiisu yahay mid wanaagsan.

Dhakhtarkan ayaa baaritaankii caafimaad ee ugu horreeyay ku sameeyay madaxwaynaha.

Ronny Jackson,oo fuliyay baaritaan qaatay saddex saacadood ayaa bayaan kooban oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay in baaritaanada ay si wanaagsan u dhaceen.

Image caption Baaritaanka caafimaadka Trump

Dhakhtarkani lagu magacaabo Jackson ayaa lagu wadaa in faahfaahin dheeraad ah uu ka bixiyo maalinta Talaadada xaaladda caafimaadka ee madaxwaynaha.

Baaritaanka caafimaad ee lagu sameeyay madaxwayne Donald Trump ayaa ka dambeeyay ka dib markii dhowr jeer su'aalo laga keenay caafimaadkiisa dhanka maskaxda.

  1. Trump: Hantida ugu muhimsan ee aan haysto waa daganaashiyaha Maskaxeed
  2. Steve Bannon: haddallada khayaanada qaran toos uguma socdaan wiilka Trump
  3. Donald Trump oo garab ka helay saraakiil maamulkiisa ka tirsan

Buug dhawaan la soo bandhigay ayaa waxa lagu sheegay in maskaxiyan uusan madaxwayne Trump fiyoobeen.

Buugga waxaa diyaariyay Steve Bannon, oo ahaan jiray kaaliyihii istiraatiijiyadda Aqalka Cad, wuxuuna qeexayaa sidoo kale in "la kullankii koox Ruushka ka socotay oo wiilka Trump uu fadhiyay" uu ahaa "khiyaano".

Mowduucyada la xiriira