Qalab lagu liso caanaha naaska hooyada

Qalabka Willow waxaa la sheegay in uusan caano badan qaadin Lahaanshaha sawirka WILLOW
Image caption Qalabka Willow waxaa la sheegay in uusan caano badan qaadin

Laba shirkadood ayaa soo saaray qalab lisaya hooyooyinka ilmaha nuujiya, si ayagoo socda ay caano u lisi karaan.

Dumarka caanahooda lisa ayaa dhowr goor maalintii isticmaala qalab ay ku lisaan, kaasoo halkii mar qaata ilaa 20 daqiiqo ama ka badan.

Qalabkaas waa mid korantada la galiyo, wuxuuna bixiyaa dhawaaq sare marka uu shaqaynayo.

Shirkadaha Willow iyo Freemie ayaa qalabka ay soo saareen wuxuu yahay mid aan muuqan oo ku dhex jira naasagashiga gudihiisa.

Waa uu ka duwanyahay qalabkii hore oo wuxuu ku shaqeeyaa battari dib loo dabayn karo, wax dhawaaq ahna ma leh.

Lahaanshaha sawirka WILLOW
Image caption Qalabka Willow waxaa la sheegay in uusan caano badan qaadin

Waxaa labadaba lagu soo bandhigayaa carwada tiknoloojiyada CES ee Las Vegas.

"Hooyooyinka welwel baa haysan jiray. Darbiga ayey suri jireen fiilada korantada, mararka qaarna qol yar ayaa lagu xarayn jiray" sidaa waxaa tiri Naomi Kelman oo madax ka ah Willow.

Willow waxay abaalmarin ku heshay qalabkaas ay soo saartay 2017, ayadoo qalabku tan iyo markaas uu tijaabo ku jiray, laakin hadda suuqa ayaa la soo galiyey, qiimaha tafaariiqda ee uu maraykanka ka joogana waa $479.

Laakinse dadka dhaliila waxay sheegayaan in kiishashka caanaha lagu liso aysan wax badan qaadin oo ay qaadi karaan ilaa 118ml oo caano ah.

Gabar shirkadda u hadashay waxay sheegtay in kiishash kala qaad weyn mustaqbalka la heli doono.

Lahaanshaha sawirka FREEMIE
Image caption Qalabka Freemie wuxuu suuqa tafaariiqda ku soo galay $300

Kiishashka Freemie iyagu way ka qaad weyn yihiin waxayna qaadi karaan laba laab.

Willow waxaa kaloo la socda kiishashkeeda app laga isticmaali karo iPhone.

Qalabka Freemie Liberty waxaa la sheegay in qiimaha tafaariiqda ee suuqa ay ku soo galeen uu yahay $300.

Mowduucyada la xiriira